4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2019
Puntland: Anaga iyo Galmudug ayaa ka heshiinayna colaada Towfiiq ma jirto cid saddexaad

Talaado, December, 17, 2019 (HOL)-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa gaaray degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, halkaasi oo uu ka socda dadaalo laguso afjarayo colaad dhextaala labo beelood oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay Puntland inay diyaar u tahay in nabada la xoojiyo oo aan dib loosoo celin colaadii gobolka Mudug aafeysay.

Dhabancad ayaa sheegay Puntland iyo Galmudug inay si wadajir ah uga shaqeynayaan nabada, isagoo meesha ka saaray cid saddexaad oo soo dhex geli karta labada maamul ee dadkooda dirirtu dhexmartay.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha ayaa kusoo beegamaya iyadoo maalmo kahor saraakiil ka socda ciiddanka xoogga Soomaaliya ay heshiis xabbad joojin ah dhex dhigeen labada beelood ee dagaalamay.

Puntland oo Towfiiq u aqoonsan degmo katirsan degaanadeeda, ayaa marar badan colaad kusoo laalaabatay, mana jirto xal waara oo laga gaaray.


Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]