4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2019
Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday deegaanka Dajumma ee gobolka Jubbada Dhexe

 

Talaado, December, 17, 2019 (HOL)- War ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Warkan ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya  ay shalay oo ku beegneyd 16/12/2019 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Dajumma oo qiyaastii 6Km u jirta magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe,isla markaana ay la beegsadeen xubno ka tirsan  Al-Shabaab, islamarkaana duqeyntaas aysan khasaaro kasoo gaarin dad rayid ah.

Mareykankaa ayaa sheegay in ay duqeyntan ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,sidoo kalena  ay  ku taageerayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab, sida uu sheegay ku-xigeenka Madaxa howlgallada Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen. Bradford J. Gering.

Warkan ka soo baxay AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in bilihii u dambeeyey Mareykanka uu horumar ka gaarey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,isla markaan ay awoodi waayeen inay weeraro fuliyaan.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegsanayo xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya ee ka howlgasha deegaannada Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]