4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2019
Al-shabaab oo weerar culus saakay ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Talaado, December, 17, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saakay xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar culus ku qaadeen barkootarool oo ku taala degmada.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in subaxnimadii hore ee saakay xoogagga Al-shabaab weerar culus ku soo qaadeen barkootarool oo galbeedka ka xigta degmada, halkaa oo ay ku dileen Saddex Askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo Qof Shacab ah oo magaciisa lagu sheegay Axmed Ganeey.

Ciidamada weerarka lagu qaaday ayaa lagu waramayaa in dhawaan uun soo degeen kootarool, mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka degmada Balcad.

Dhawaan ayeey aheyd markii Al-shabaab Askar ku dileen xerada Hiilweyne ee degmada Balcad halkaa oo ay ku dileen Askar iyo Labo Gabdhood oo ka mid ahaa dadka deegaanka islamarkaana maqaaxi ku lahaa meel aan ka fogeyn saldhiga la weerarray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]