4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2019
Mukhtar Sheekh Maxamed Suubane oo horey uga tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar oo gacanta lagu soo dhigay
                

Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Mukhtaar Sheekh Maxamed Suubane oo horey u ahaa madaxa sirdoonka maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu qabtay Somaliland.

Haddaba ninkan lasoo qabtay ee lagu magacaabo Mukhtaar Sheekh Maxamed Suubane ayaa loo haystaa xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda aadamaha taas oo ka dhacday degaanka xilligii Cabdi Maxamuud Cumar uu degaanka ka talin jiray.

Mukhtaar Sh Maxamed Suubane ayaa horey uga tirsanaa Saraakiisha u saraysa ee Ururka ONLF, balse markii uu kasoo goostay Ururka ONLF ayay dawladdii xilligaas degaanka ka talin jirtay ee Cabdi Maxamuud Cumar waxay ka dhigtay madaxa sirdoonka ee degaanka.

        

Hiiraan Online