3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2019
Qatar oo sheegtay in ay waqti qaadandoonto soo celinta kalsoonidii wadamada Khaliijka
 

Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Wasiirka arrimaha dibedda ee Qatar, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay inay qaadan doonto waqti in dib loo dhiso kalsoonida ka dhaxeysay Qatar iyo dalalka Khaliijka ka dib cunaqabateyn socotay labo sano iyo badh.

Balse, Wasiirka arrimaha dibedda ee Qatar ayaa horumar ku tilmaamay furitaanka wadooyinka loo marayo soo celinta xidhiidhka Doha iyo Riyadh ee horey u burburay.

Bishii Juun 2017, Sacuudi Carabiya oo ay weheliyaan Imaaraadka, UAE, Baxreyn iyo Masar waxay gooyeen xiriirkii diblomaasiyadeed iyo ganacsi ee ay la lahaayeen Qatar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerayaan argagixisada.

Dooxa ayaa beenisay eedeymaha waxayna ku eedeeysay deriskeeda inay raadinayaan inay carqaladeeyaan qaranimadooda.

Wadamada xanibaada kusoo rogtay Qatar waxay codsadeen in Dooxa joojiso xidhiidhka kala dhexeeya Iran, inay xidho Shabakada  Al Jazeera, isla markaana xidho saldhig millatari oo Turkigu leeyahay.

Wasiirka arrimaha dibedda ayaa sheegay in Qatar aysan bixin doonin wax tanaasul ah oo saameyn ku yeesha qaranimadeena, siyaasadeeda gudaha ama tan dibada.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaa jiray astaamo muujinaya in ay suuragal tahay inuu dib usoo noolaado xiriirka ka dhexeeya Sacuudiga iyo Qatar.

Bishii la soo dhaafay, wargayska 'Wall Street Journal' ayaa sheegay in Sheekh Maxamed uu la kulmay saraakiil sare oo ka tirsan Sucuudiga bishii Oktoobar si ay u soo afjaraan muranka.

Bishii Nofembar, saddexda waddan ee xannibaadda khaliijka ayaa ka qaybgalay tartan kubadda cagta ah oo ka dhacay Qadar.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
12/16/2019 10:08 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Mukhtaar Sheekh Maxamed Suubane oo horey u ahaa madaxa sirdoonka maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu qabtay Somaliland.

12/16/2019 9:15 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo kasoo dhoofay dalka Qatar, ayaa soo gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland, oo uu uga qayb gelayo madasha qaxootiga adduunka oo maanta furantay.

12/16/2019 8:12 AM EST
Isniin, December 16, 2019 (HOL )– Guddidii dhexdhexaadinta ka waday xukuumadda iyo labada xisbi mucaaradka ayaa soo jeediyey laba go’aan oo ay xal u arkaan in lagu dhameeyo muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka.

12/16/2019 7:37 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa bilaabay inay baxshaan hannaanka iyo habraaca diiwaan galinta ururada siyaasada Puntland.

12/16/2019 4:45 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad goboleedka jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay ay ku fashilantay isku wadidda siyaasadda dalka.

12/16/2019 4:29 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Waxaa Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in Magaalada Jabuuti lagu qabto madasha aragti wadaagga Soomaalida.

12/16/2019 2:37 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-xmed Cali Abuukar oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshiyaha Ururka Al-shabaab gaar ahaan in uu qaabilsanaa kooxda in uu kaga kireeyo guryo magaalada Muqdisho kuwooda xanuunsan iyo in uu uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho oo uu ku lahaa wakaalad iyo kor joogtayn inta ay dib ugu noqonayaa maleeshyada.

12/16/2019 12:11 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka Cali Shariif Axmed oo ka hadlay xaflad soo dhaweyn ah oo magaaladda Minneapolis ay ugu sameeyeen Soomaaliya gobolka Minnesota ayaa sheegay in rajo baaxad weyn leh oo ku saabsan dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya ay u muuqato.

12/16/2019 12:01 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay xildhibaannada Golaha Shacabka su’aalo u badnaa howlaha Wasaarraddiisa weydiiyeen Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hortagay xildhibaannada.