4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2019
Axmed Madoobe: Madaxda dowladda federalka waxay ku guuldaraysateen inay dalka isku wadaan
 

Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad goboleedka jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay ay ku fashilantay isku wadidda siyaasadda dalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in madaxda xukuumada soomaaliya aanay dalka horumar ku gaarsiin karin,"anaa iri."

Hadalkaan ayuu madaxweyne Axmed Madoobe sheegay kadib markii u maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, isagoo safaro shaqo ugu maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in dadka reer Jubbaland marxalado kala duwan soo mareen muddooyinkii lasoo dhaafay laakiin hadda ay xaaladdu marayso meel wanaagsan.

Jubbaland iyo dowladda federalka ayaa weli waxaa ka dhextaagan khilaaf ka dhashay doorashadii bishii August mar kale lagu doortay Axmed Madoobe taasoo dowladda federalka diiday natiijadeeda.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]