3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2019
Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo xukun lagu riday

 

Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Axmed Cali Abuukar  oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshiyaha Ururka Al-shabaab gaar ahaan in uu qaabilsanaa kooxda in uu  kaga kireeyo guryo magaalada Muqdisho kuwooda xanuunsan iyo in uu uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho  oo uu ku lahaa  wakaalad iyo kor joogtayn inta ay dib ugu noqonayaa

Axmed oo ay ciidamada amniga xogtiisa hayeen ayaa laga soo qabtay mid ka mid ah xarumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaa xilligaas lala qabtay Bukaan  Al-shabaab ah  oo uu ku diiwaan geliyay in uu adeer u yahay

Bishii Luulyo ayay soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ayna baaris dheer ku soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 14-kii September, isla xilligaasi waxa uu garsoorayaasha  xafiiska  ka  codsaday in la geeyo eedeysanaha  xabsiga dhexe  garsuge ahaan.

Baaris dheer kadib ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 12-kii November , waxa ayna maxkamadda aqbashay 23-kii bishii tagtay.

Ugu horeynba  Maxkamadda ayaa u jeedisay eedda loo heysto Axmed Cali Abuukar ee ah ka mid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu u qaabilsanaa Alshabaab xanaaneyta bukaannada Al-shabaab kuwooda dhaawca ah iyo kuwa qaba xanuunada kale, isagoo u kirayn jiray guryaha iyada oo la isticmaalayo magiciisa wakaaladeed.

Axmed Cali Aybakar ayaa ahaa  shaqsi  ku iibiya agagaarka qubuuraha Barakaat agabka duugitaanka maydka loo isssticmaalo, waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in saaxiibkiis ay ka wada shaqeyn jireen waratada  dharka xilli hore uu ku qanciyay ku biirista Alshabaab, Axmed guryo ayuu u kireeyay bukaanno ay u soo direen Alshabaab, waxa uu geeyay xaruma caafimaad oo ku kala yaal degmooyinka Hodan iyo Yaaqshiid, sida uu ka hor sheegay fadhiga maxkamadda.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in eedeysanaha cimrigiisa oo kaga faa’ideystay dhagridda dadka, waxaa uu Maxkamadda ka hor sheegay in dadka ay ku ixtiraami jireen da’da uu jiro oo la siman 60-ka.

Maxkamadda ayuu weydiistay in laga qariyo bulshada maadaama uu suurad xumeynayo dadka waayeelka ah ee bulshada nuuc walba ay ku ixtiraamaan da’dooda.

Qarreenka u doodayay eedeysanaha ayaa maxkamadda u sheegay in Axmed lagu cadaadiyay shaqada uu hayay, waxa uuna maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama uu da’ yahay.

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhagesiga kiiskan saacado ayaa ugu  dambeyn go’aamiyay in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u  sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha  Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 

 













Click here
12/16/2019 10:08 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Mukhtaar Sheekh Maxamed Suubane oo horey u ahaa madaxa sirdoonka maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu qabtay Somaliland.

12/16/2019 9:15 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo kasoo dhoofay dalka Qatar, ayaa soo gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland, oo uu uga qayb gelayo madasha qaxootiga adduunka oo maanta furantay.

12/16/2019 8:12 AM EST
Isniin, December 16, 2019 (HOL )– Guddidii dhexdhexaadinta ka waday xukuumadda iyo labada xisbi mucaaradka ayaa soo jeediyey laba go’aan oo ay xal u arkaan in lagu dhameeyo muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka.

12/16/2019 7:37 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa bilaabay inay baxshaan hannaanka iyo habraaca diiwaan galinta ururada siyaasada Puntland.

12/16/2019 5:01 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Wasiirka arrimaha dibedda ee Qatar, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay inay qaadan doonto waqti in dib loo dhiso kalsoonida ka dhaxeysay Qatar iyo dalalka Khaliijka ka dib cunaqabateyn socotay labo sano iyo badh.

12/16/2019 4:45 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad goboleedka jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay ay ku fashilantay isku wadidda siyaasadda dalka.

12/16/2019 4:29 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Waxaa Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in Magaalada Jabuuti lagu qabto madasha aragti wadaagga Soomaalida.

12/16/2019 12:11 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka Cali Shariif Axmed oo ka hadlay xaflad soo dhaweyn ah oo magaaladda Minneapolis ay ugu sameeyeen Soomaaliya gobolka Minnesota ayaa sheegay in rajo baaxad weyn leh oo ku saabsan dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya ay u muuqato.

12/16/2019 12:01 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay xildhibaannada Golaha Shacabka su’aalo u badnaa howlaha Wasaarraddiisa weydiiyeen Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hortagay xildhibaannada.