4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2019
Danjire Cali Shariif Axmed “Tobanka sano ee soo socota waa xilligii Soomaalida, rajo iyo horumar weyn ayaana muuqda”

Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka Cali Shariif Axmed oo ka hadlay xaflad soo dhaweyn ah oo magaaladda Minneapolis ay ugu sameeyeen Soomaaliya gobolka Minnesota ayaa sheegay in rajo baaxad weyn leh oo ku saabsan dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya ay u muuqato.

 


“Dowladnimadeenu meel fog ayay ka timid. Tartiib-tartiib ayuu horumarku u socdaa. 15-kii sano ee ugu dambeeyay is badallo badan ayaa dhacay” ayuu yiiri Ambassador Cali Shariif Axmed oo intaas ku jiray “10-ka sano ee soo socota waa xilligii Soomaaliya, dhib kasta oo jirana waxaa ka weyn rajada muuqata”

 

Wuxuu Danjire Cali Shariif Axmed sheegay inay jiraan caqabado dhowr ah oo ku gadaaman horumarka iyo kobocad dhacaaqaalaha, kuwaas oo uu sheegay inay ka mid yihiin deynta, Alshabaab, iyo cuna qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

 

“Dal deyn lagu leeyahay waa ka xiranyahay maalgashi caalami ah, deyn qaadasho iyo amaan intaba, sidaa daraadeed cafinta deynta nalagu leeyahay waxay culeys weyn ka qaadi doontaa dalkeenna, waxaana rajeynayaa in horraanta sanadka soo socda deyntaas naloo cafiyo” ayuu yiri ambassador Cali Shariif.

 


Sidoo kale wuxuu safiirku ka hadlay cuna qabateynta hubka ee dalkeena saaran, wuxuuna xusay inaan Soomaaliya loo oggoleyn inay soo iibsato qalab iyo saanad military. “Dowladnimadayada waxyaaba hortaagan waxaa ka mid ah cadowga Alshabaab, sidaa daraadeed haddii aan dalka laga qaadin cuna qabateynta waa adkaaneysaa in ciidankeenu helo qalab iyo saanad ku fulan, waxaanse dadaal ugu jirnaa inaan adduunka ka dhaadhicino in xayiraada nalaga qaado” ayuu yiri.


 

Safiirka ayaa ugu dambeyntii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota kula dar-daarmay midnimo iyo wada jira, wuxuuna u sheegay safaaradda Soomaaliya ee Mareykanku diyaar ula tahay wixii adeeg iyo wada shaqeyn ah

Farah M Ali Blue, Hiiraan Online
Minneapolis MN