3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2019
Kulan looga hadlayay xariirka waalidka iyo caruurta qurbaha oo Columbus ka dhacay


Axad, December, 15, 2019 (HOL)- Kulankan oo ka dhacay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka waxaa soo abaabulay aqoonayahan Dahir Ali Omar waxaa looga hadlay xariirka waalidka iyo caruurta qurbaha.

Ujeedada ayaa ahayd ogaanshaha iyo fahanka laga haysto caruurta kadib markii ay sii bateen dhibaatooyinka ka dhasha caruurta noloshu ka badalanto kuna wareera dhaqamada is diidan ee kala ah tan waalidkood ku soo koreen iyo midka caruurta qurbuhu ku dhasheen.

"Waalidiin baddan ayaa aad ugu wareera fahanka ubadkooda waxayna horseeday is fahmi waa sababa in ilmuhu nolosha ka dhacaan halisna u galaan in ay mustaqbalkooda waayaan" sidaa waxaa yiri Dahir Ali Omar oo xiliyadii u danbeeyay waday baaritaan ku aadan xariir la'aanta waalidka iyo Ubadka ka dhex dhalata iyo waxa sababa.

Aqoonyahan baddan oo kulankan ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Waalidiin, Macalimiin, Ganacsato iyo quburo kale ayaa ka hadlay kulankan waxayna gorfeeyeen xaaladaha adag ee haysta Caruurta ku dhalatay qurbaha kuwaas oo la kulma dhibaatooyin kala duwan kana dhasha kala duwanaanshaha labada dhaqan.

Ruqiya kusoow oo ah Hooyo Aqoonyahan ah in mudaana ku noolayd dalkan ayaa soo jeedisay in Waalidiintu u dabacsanaadaan ubadkooda kuna xisaabtamaan in caruurtu yihiin dhibanayaal labo dhan u dhexeeya isla markaana u bahan in la fahmo saaxiib dhow lala noqdo loo muujiyo in diyaar loo yahay iyada oo dhanka kale xustay in waalidiintu xaruurta uga sheekeeyaan dhaqamada kala duwan iyo halisaha ku xeeran si dabacsan.

Qaarkamid ah dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka oo ay ka mid tahay Deeqo Mohamed Siyaad ayaa soo bandhigay qibrada ay ka haystaan caruurta iyo waalidka Soomaaliyeed kana sheekeeyay dhibaatada jirta iyo aqoon la'aanta waalidiin baddan ka haysta Fahanka ubadkooda

Ifrah Udgoon oo ah Macalin dugsiga dhexe u dhigta caruurta ayaa aad uu xeel dheeraatay dhibka jira soona jeedisay in caruurta Jacayl loo muujiyo iyo in saaxiib dhow lala noqdo iyada oo tusaale u soo qaadatay Nafteeda oo ah shaqsi ku koray qurbaha lana kulmay dhibka laga sheekeeynaayo.

Gabi ahaan dadkii hadlay ayaa garowsaday in Halis baddan ku xeerantahay Caruurta qurbaha ayna kaga bixi karaan waalidiin u dabacsan saxiib laha isla markaana fahansan waxa iska badalay ubadkooda iyo marxaladaha ay marayaan.

Waxa uu ahaa barnaamij aad u xiiso baddan loona riyaaqay waxaana lagu balamay in la sii wado kulmada caynkan ah si loo bad baadiyo caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay ama ku koray kuwaas oo halis ugu jira, dhaqan Guur, Daroogo, Xabsi, Dil, iyo Wax walba oo xun hadii aysan helin Gacan Naxariis iyo aqoon isku darsatay.

Deeqo Shire (SONNA)













Click here
12/15/2019 12:25 PM EST
Axad, December, 15, 2019 (HOL)-Koox hubaysan ayaa caawo fiidkii weerar ku qaaday saldhig ciiddan oo kuyaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyagoo u adeegsaday bombo gacmeedyo iyo rasaas toos ah.

12/15/2019 9:06 AM EST
Axad, December 15, 2019 (HOL )– Xoghayihii hore ee warfaafinta xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa ku dhaliilay xukuumadda inay waxqabadkeedii sanadka ku darsatay inay la kulantay gudoomiyeyaasha warbaahinta madaxa banaan, halka sanadkii hore ku darsatay inay la kulantay xisbiyada mucaaradka ah.

12/15/2019 7:05 AM EST
Axad, December, 15, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ku dhaliilay guddiga qaran ee doorashooyinka Soomaaliya inaysan ahayn guddi madax bannaan oo matali kara shacabka Soomaaliyeed.

12/15/2019 5:54 AM EST
Axad, December, 15, 2019 (HOL)-Sida ay qortay Daily Mail, Orodyanka caanka ah ee Mo Farah ayaa walaalkiis loo masafuriyay Somaliya, kadib markii lagu eedeyay inuu geystay weerar mindi ah oo ka dhacay Degmadda Southall ee Galbeedka London sannadkii 2010-kii.

12/15/2019 4:17 AM EST
Axad, December, 15, 2019 (HOL)-Ra'iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay xoghayaha maaliyadda dowladda Mareykanka, Steven Mnuchin, oo ka mid ah madaxda ka qayb galaysa madasha 19-aad ee Doha.

12/15/2019 4:09 AM EST
Axad, December, 15, 2019 (HOL)-Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Taliyayayaasha Ciidamada Qalabka ee dalka Soomaaliya.

12/15/2019 12:08 AM EST
Axad, December, 15, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa lagu wadaa in maanta uu Axad ah uu hortago Xildhibaannada Golaha Shacabka oo yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa.

12/15/2019 12:04 AM EST
Axad, December, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wada tashi ah la qaatay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.