3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2019
Guddiga Difaaca Aqalka Sare iyo Taliyayaasha Ciidamada oo kulmay

 

Axad, December, 15, 2019 (HOL)-Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Taliyayayaasha Ciidamada Qalabka ee dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay Hinse-sharciyeedka Howlgabnimada ,Xaqsiinta iyo Hibooyinka ciidamada qalabka sida ayada oo uu kulanka furay gudoomiyaha Gudiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan waxana uu akhriyay Hindise-sharciyeedka isagoo intaa raaciyay in ay muhiin tahay fikirka ciidamada qalabka oo sharcigan lagu dhaqi doono .

Senatar Axmad Xaashi Maxamuud Xoghayaha Gudiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare BFS iyo Senatar Cabdirisaaq Axmed Cali oo Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare katirsan ayaa qodobada qaar sharaxaad ka bixiyay.

General  Jaamac Maxamed Qaalib oo horay dalka uga soo qabtay xilal kala duwan oo  ay ka mid tahay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Sareeye  Guuto Maxamuud Sheekh Cali Dable Bayloot oo ah khabiir dhinaca ciidamada  ayaa ka hadlay Hindise-sharciyeedka iyo qaabka ugu haboon ee ciidamada  qalabka sida sharcigaan loogu samayn lahaa .

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahad celiyay Guddiga Difaaca Iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka sida ay kulanka wada tashiga ah ay ula yeesheen ciidamada iyagoo isku raacay in wakhti la siiyo si ay ugu soo eegan oo ay talo ugu soo biiriyaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 



 

 

 













Click here
12/15/2019 12:25 PM EST
Axad, December, 15, 2019 (HOL)-Koox hubaysan ayaa caawo fiidkii weerar ku qaaday saldhig ciiddan oo kuyaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyagoo u adeegsaday bombo gacmeedyo iyo rasaas toos ah.

12/15/2019 9:11 AM EST
Axad, December, 15, 2019 (HOL)- Kulankan oo ka dhacay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka waxaa soo abaabulay aqoonayahan Dahir Ali Omar waxaa looga hadlay xariirka waalidka iyo caruurta qurbaha.

12/15/2019 9:06 AM EST
Axad, December 15, 2019 (HOL )– Xoghayihii hore ee warfaafinta xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa ku dhaliilay xukuumadda inay waxqabadkeedii sanadka ku darsatay inay la kulantay gudoomiyeyaasha warbaahinta madaxa banaan, halka sanadkii hore ku darsatay inay la kulantay xisbiyada mucaaradka ah.

12/15/2019 7:05 AM EST
Axad, December, 15, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ku dhaliilay guddiga qaran ee doorashooyinka Soomaaliya inaysan ahayn guddi madax bannaan oo matali kara shacabka Soomaaliyeed.

12/15/2019 5:54 AM EST
Axad, December, 15, 2019 (HOL)-Sida ay qortay Daily Mail, Orodyanka caanka ah ee Mo Farah ayaa walaalkiis loo masafuriyay Somaliya, kadib markii lagu eedeyay inuu geystay weerar mindi ah oo ka dhacay Degmadda Southall ee Galbeedka London sannadkii 2010-kii.

12/15/2019 4:17 AM EST
Axad, December, 15, 2019 (HOL)-Ra'iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay xoghayaha maaliyadda dowladda Mareykanka, Steven Mnuchin, oo ka mid ah madaxda ka qayb galaysa madasha 19-aad ee Doha.

12/15/2019 12:08 AM EST
Axad, December, 15, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa lagu wadaa in maanta uu Axad ah uu hortago Xildhibaannada Golaha Shacabka oo yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa.

12/15/2019 12:04 AM EST
Axad, December, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wada tashi ah la qaatay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.