4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2019
Sarkaal la dalacsiiyay kaddib markii uu sheegay in haweeney uu qabay qaadsiisay cudurka HIV/AIDS

 

Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Iyadoo maanta dunida oo idil laga xusayo  maalinta cudurka dilaaga ah ee AIDSka ayuu madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobolleedka Puntland Axmed Cilmi Karaash u dalacsiiyay Darrajada Gaashaanle taliye Bashiir Cismaan Cawad oo sheegay in haweeney uu guursaday ay u qarisay cudurka HIV/AIDS.

Sheekada ku saabsan Bashiir ayaa maalmihii ugu danbeeyay siweyn u qabsatay Baraha Bulshada isaga oo wareysi uu bixiyay ku sheegay in haweeney uu qabay ay u qarisay cudurka AIDS iskastoo sida uu hadalka u dhiggay waayadii ugu danbeeyay uu ka shakiyay madaama uu ku arkay iyada oo isticmaaleysa dawooyin kala duwan balse marka uu weydiiyo sababo kale ugu sheegi jirtay in ay u cuneyso.

''Muddo dheer ayuu xanuun i hayay intii aan la noolaa oo idil xanuunkaa waan dareemayay laakiin ma ogeyn in aan qabay cudurkan, waayo wey iga qarin jirtay Anniga ma dareensaneyn in ay cudurkan qabto... Waxaa dhacday in maalin kaliya ay guriga isaga tagtay,, markii aan taleefoon u diray oo aan weydiiyay sababta ay u tagtay..waxey igu tiri ogoow waad dhimaneysaa... taasoo shaki weyn ugu abuurtay ayuu yiri Gaashaanle Bashiir oo hadda kula taliyay lamaanayaasha in ay is baaraan ka hor inta aysan is guursan, isaga oo sheegay in uu iska cafiyay haweeneydii cudurka u qarisay.

Waa Sarkaalkii ugu horeeyay ee la dalacsiiyo kaddib markii uu qirtay in uu qabo cudurkan waxaana uu sheegay in uu go'aasaday in uusan qarin cudurkan madaama uu si qalad ah ugu yimid. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]