3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2019
Madaxweyne Biixi oo isku shaandheyn ku sameeyey Golihiisii wasiiradda

 

Axad, December 01,  2019 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiiradda,halka qaarna xilalkii ka qaaday kuwo cusubna ku soo daray.

Wasiirada xilalkii laga qaaday waxa ka mid ah wasiirka Cadaaladda Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax, wasiirkii Qorsheynta Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin), wasiirkii waxbarashada Cismaan Aadan Jaamac, wasiir ku xigeenkii wasaarada Qorsheynta Xuseen Ibraahim Xasan Buuni, wasiir ku xigeenkii maaliyadda Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame.

“Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan.Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.”ayuu lagu yidhi qoraal madaxtooyada ka soo baxday.

Sidoo kale, waxa uu isku bedel iyo magacaabis ku sameeyey wasaaradaha qaarkood.

1. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi waxa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka waxaanu hore u ahaa wasiirka Xanaanada xoolaha iyo Kalluumaysiga.

2. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

3. Siciid Sulub Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga waxaanu hore usoo maray wakhtigii Madaxweyne Rayaale wasiirka Hawlaha guud.

4. Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka waxaana laga soo bedelay wasaarada Biyaha .

5. Maxamed Muuse Diiriye Wacays waxa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha, waxaanu hore u ahaa wasiirka warfaafinta.

6. Mustafe Maxamuud Cali Bile waxa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Caddaalada.

7. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxaanu hore u ahaa wasiir ku xigeenka caafimaadka.

8. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed waxa laga dhigay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

9. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed waxa laga dhigayWasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

10. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf waxa laga dhigay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

11. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland. 













Click here
12/1/2019 10:23 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Iyadoo maanta dunida oo idil laga xusayo maalinta cudurka dilaaga ah ee AIDSka ayuu madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobolleedka Puntland Axmed Cilmi Karaash u dalacsiiyay Darrajada Gaashaanle taliye Bashiir Cismaan Cawad oo sheegay in haweeney uu guursaday ay u qarisay cudurka HIV/AIDS

12/1/2019 4:43 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Mareykanka ayaa War uu soo saaray kaga hadlay duqeyn cidka oo Sabtidii shalay ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe

12/1/2019 4:12 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Hay'adda Puntland u qaabilsan la dagaalanka AIDska ee magaceeda loosoo gaabiyo PAC, ayaa maanta shaacisay in sanadkan 56 qof laga heley Viruska HIV/Aids-ka.

12/1/2019 3:34 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Kooxda ISIS ayaa sheegatay mid kamid ah dagaal yahanadooda inuu fuliyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay London Bridge oo ay ku dhinteen laba qof.

12/1/2019 3:30 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)-38 milyan oo qof oo dunida daafaheeda ku suganl, ayaa la nool cudurka HIV, iyadoo maanta caalamka laga xusayo maalinta caalamiga ah ee AID-ska oo ku beegan kowda December.

12/1/2019 1:08 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Ururka Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanno hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

12/1/2019 12:31 AM EST
Axad, December, 01, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug, ayaa sheegaya in uu socdo qorshe mar kale dib loogu soo nooleynayo wadahadalladii Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Waljameeca, kaddib markii uu xoogeystay khilaafka ka dhashay habka ay dowladdu maamuleyso dhismaha Galmudug cusub oo loo dhan yahay.