4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2019
Mareykanka oo ka hadlay duqeyn maalintii shalay ay ka fuliyeen degmada Jilib

 

Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Mareykanka ayaa War uu soo saaray kaga hadlay duqeyn cidka oo Sabtidii shalay ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe

Taliska Africom oo Warkan soo saaray ayaa sheegay in ay hadda qiimeynayaa wax-yaalada ka dhalatay duqeynta oo lala eegtay saldhigyo ay ku sugnaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab

''Waxaan qiimeyneynaa natiijada duqeynta, sikastaba ilaa iyo hadda ma heyno cid rayid ah oo wax ku noqotay ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africom.

Taliska ayaa balanqaaday in ay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah sida ay hadalka u dhigeen kooxaha Argagixisada iyadoo gacan la siinayo  Dowladda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa wali sii wadda weerarrada Cirka ah ee ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo quwadaha shisheeye ee gacanta siinaya. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]