4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2019
Puntland oo shaacisay tirada dadka la nool cudurka AIDs-ka

Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Hay'adda Puntland u qaabilsan la dagaalanka AIDska ee magaceeda loosoo gaabiyo PAC, ayaa maanta shaacisay in sanadkan 56 qof laga heley Viruska HIV/Aids-ka.

Celcelis ahaan 486 qof oo la nool cudurkaan ayaa ka diiwaan gashan Puntland, kuwaas oo si joogto ah u qaata dawooyin kaalmaati ah, sida lagu sheegay xuska maalinta AIDska oo Garowe ka dhacday.

Hay'adda PAC waxay sheegtay fiditaanka cudurkaan inaanu weli dhaafsiisnayn 1%, inkastoo ay ka digtay.

Xaflada waxaa qeyb galay dad cudurkaan la nool oo maalmihii ugu dambeeyay kasoo muuqanayay warbaahinta baraha bulshada.

Waxaa aad loo ammaanay sarkaal katirsan ciidanka bilayska Puntland oo cudurkaan qaaday dhowr sano ka hor, kaasoo si aan gambasho lahayn uga hadlay xaaladiisa iyo sida uu ku qaaday cudurkaan.

Hiiraan Online