4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2019
Daacish oo sheegatay masuuliyadda weerarkii London
 

Axad, December, 01, 2019 (HOL)-Kooxda ISIS ayaa sheegatay mid kamid ah dagaal yahanadooda inuu fuliyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay London Bridge  oo ay ku dhinteen laba qof.

Kooxda waxay sheegatay in Usman Khan, oo 28 jir ah, oo ay dileen boolisku, in uu ahaa ninkii fuliyay weerarkaas.

Laakiin kooxdu ma bixin wax caddeyn ah oo ku saabsan ninkaas inuu kamid ahaa dagaalyahannada kooxdooda.

ISIS waxay sheegtay weerarkaas inuu yahay jawaabta baaqii ay dadka u direen oo ahaa in la wareero wadamada ku lugta leh dagaallada ka dhanka ah argigixisada ee ka socda Bariga Dhexe.

Khan ayaa xirnaa jaakad khaldan oo ismiidaamin ah kadib markii uu mindi ku dilay laba qof, Boliiska ayaa kadib toogtay.

Ninkaan oo ku noolaa magaalada Staffordshire, ayaa sanadii 2012-kii waxaa loo xiray kadib markii lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa koox xagjiriin ah oo isku dayay inay qarxiyaan suuqa saamiyada London.

Hiiraan Online