4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2019
Faah faahin qaabkii uu u dhacay qaraxii xarunta maamulka gobolka Banaadir 24kii July

 

The Somali government identified the woman in the center of this 2018 UNSOM photo as the suicide bomber who killed eight people, including Mogadishu Mayor Abdirahman Omar Osman, in a July 24, 2019, attack.

Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta warbixin hor dhac ka soo saartay qaraxii 24kii bishii July ee ka dhacay xarunta dowladda Hoose ee Xamar kaasoo sababay geerida 8 ruux oo uu ka mid ahaa Duqii Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Haddaba warbixinta dowladda ayaa lagu xusay in qaraxan ay ka danbeysan qof dumar ah oo ka tirsaneyd shaqaalaha dowladda hoose, iyada oo gacan ka heleysa qof kale oo ku qorneyd kaaliye shaqaalana ka aheyd isla xarunta dowladda hoose.

Warbixintan Dowladda  laguma muujin magac-yada labadan gabdhood, balse warbixin lagu daabacay bogga VOA-da ayaa lagu faah faahiyay warbixinno ku saabsan labada gabdhood iyada oo la soo xiganayo qaar ka mid ah laamaha Amniga.

Gabadha is aarxisay sida ay hay’adaha amnigu sheegeen waxay in muddo ah isticmaalaysay magaca Basira Cabdi Maxamed, laakiin magaceeda dhabta ah waxaa uu ahaa “Maryan”

Gabadha labaad ayaa iyana ku shaqaynaysay magaca “Deggan”, balse magaceeda dhabta ah waa “Hodan”. Waxay Sidoo kale Hodan ka been sheegtay iskuulka ay dhiganaysay markii shaqada la qorayey.

Hodan Waxaa la aaminsan yahay inaysan ku dhiman weerarka, ayna u baxsatay dhulka ay Al-Shabaab ka taliyaan.

Labada Gabdhood oo mar fasax qaatay ayaa la sheegay in markii ay fasaxa qaadanayeen ay ku horraysay Hodan, kadibna Maryan oo soo laabatay maalmo ka hor dabbaaldegyadii xorriyadda.

Maryan ayaa ku dadaashay in ay ka qayb-gasho munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo oo labadaba Madaxweynuhu ka qaybgalay, hase yeeshee waxaa baaritaan ku jira inay doonaysay in madaxweynaha ay bartilmaameedsato.

Warar dhinaca amniga ah waxaa ay sheegeen In la bixiyey digniino ku saabsan dhaqdhaqaaqa aan caadiga ahayn. Ma cadda In labada dumarka ah si gaar ah loo xusay.

Saraakiishu waxaa ay sidoo kale aaminsan yihiin In Allaha u naxariisto guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu lacag dhan 10 kun oo dollar siiyey Maryan markii ay u sheegtay inay dhakhtar u tageyso Hindiya ah taasi oo been noqotay, siday xogaha amnigu sheegeen.

Labadan Gabdhood ayaa la sheegay in maalintii qaraxa midkoodna la baarin, ayna tageen xafiiska guddoomiyaha iyagoo codsanaya inay la kulmaan balse loo sheegay in uu mashquulsan yahay.

Warbixinta ay soo saartay dowladda ee ku saabsan falkii is qarxinta ahaa ee ka dhacay xarunta dowladda hoose laguma sheegin in bartilmaameedka qaraxu ahaa wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey Jemas Swan oo ay Al-shabaab sheegeen in ay beegsanayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]