4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2019
Madaxweyne Farmaajo: Cadawgeena aan ugu tagno meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan


Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qaybgalay isku soo bax loogu duceeyay guddoomiyihii geeriyooday ee gobolka Banaadir ahaana duqa caasimadda Muqdisho, marxuun Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in la joogo xilligii goobaha ay joogaan loogu tagi lahaa, [cadawga].

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inuu muddo dheer qaatay, dagaal uu ku sheegay midka argagixisada, isaga oo marka ku baaqay wadajir ah in lagu wajaho argagixisada.

“Dagaalka argagixisadu waxa uu soo socday muddo dheer, hadda waxa ay kaga soo hartay in ay is qarxiyaan markii ay u babac dhigi waayeen ciidamadeena geesiyaasha ah. Waa in aan adkaynno amnigeenna iyo wadashaqaynteenna, cadawgana aan ugu tagno meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo hadalkiisa wuxuu ku soo aadday xilli toddobaadyo ka hor kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida ay sheegatay weerar ka dhacay gudaha xarunta dowladda hoose ee Xamar, iyada oo dhismaha uu ka mid yahay kuwa sida aadka ah loo wardiyeeyo, waxaana weerarka ku dhintay guddoomiyihii gobolka iyo guddoomiyeyaal degmo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]