4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2019
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Jaaliyadda Koonfur Afrika

Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)-  Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo booqasho ku jooga dalka Koonfur Afrika ayaa magaalada Cape Town kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed.

Munaasabadda lagu soo dhaweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka oo uu jaaliyadda kula hadlay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay safaaradda Soomaaliya ee koonfur Afrika iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Cape Town ,waxaana xafladda ka hadlay qaar ka mid ah jaalidda Soomaaliyeed ee Cape Town,iyagoo u jeediyay guddoomiyaha iyo wafdigiisa hadallo isugu jira tallooyin iyo guubaabin.

Safiirka Soomaaliya ee Koofur Afrika ,Jamaal Maxamed Barrow oo ka hadlay munaasabadda ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warramay xaladda guud ee Soomaalida kunool dalkaasi,isalamarkaan halkaasi ku soo dhaweeyey wafdiga.

Guddoomiye,Maxamed Mursal oo hadal u jeediyay munaasabadda ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Cape Town  uga mahadceliyay sida wanagsan oo ay u soo dhaweeyeen wafdigaasi.Wuxuu kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda,islamarkaana uga warbixiyay xaaladda dalka uu ku sugan yahay in guulaha la gaaray.

Wafdiga guddoomiyaha golaha shacabka ayaa dalka Koonfur Afrika uga qeybgalay shirkii Baarlamaanada Afrika,isagoona halkaasi ka jeediyay khudbad ku saabsan arrimaha Soomaaliya,gaar ahaan qoxootiga iyo Barakacayaasha iyo duruufaha kajira dalka,maaddaama shirka uu guud ahaan quseeyay.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online

[email protected]