4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2019
Ganacsade Cali Aadan Marguus oo goor dhaw Baydhabo lagu dilay

 

Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in koox hubeysan ku dileen dulleedka magaalada Baydhabo dad uu ka mid ahaa Cali Aadan Marguus oo ahaa ganacsade iyo siyaasi siweyn looga garanayo deegaannada Koonfur Galbeed.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in koox hubeysan rasaas u fureen saddex ruux oo uu ka mid ahaa ganacsadaha , lamana oga ilaa iyo hadda sababta dilka dadkan ka dabeysay.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa deegaannadaa siweyn looga hadal hayay muran la xiriiray  dhul ku yaalla duleedka Magaalada Baydhabo.

Cali Aadan Marguus ayaa ka mid ahaa ganacsatadda Beeraleyda ah ee Baydhabo, waxaana uu sidoo kale horay uu soo noqday Siyaasi siweyn looga garanayay deegaannada Koonfur Galbeed iyo waxaana uu sidoo kale ahaa Aqoonyahan Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]