4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo sharuud ku xirtay in ay aqoonsato natiijada doorashada madaxtinimada Jubbaland

 

Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)- War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaarraddu marnaba aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada Jubbaland, haddii aan la raacin qoddobo ay Wasaarraddu ka dalbatay maamulka Jubbaland in lagu saleeyo doorashada.

Wasaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maamulka Jubbaland hor dhigtay Saddex qodob oo kala ah in Odayaasha soo xulaya xildhibaanada la waafajiyo Diwaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, in Marka hore la soo dhameystiro xildhibaanada kaddibna ay iska dhex doortaan Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga doorasho iyo in doorashu ku dhacdo si xor iyo xalaal ah.

Warka soo baxay Wasaarradda ayaa dhignaa siddan :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]