Jimco, Augusto, 09, 2019 (HOL)- Madaxweynaha
Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay u
tartamida doorashadda madaxtinimada maamulka Galmudug,islamarkaana uusan ka mid
noqon doonin musharaxiinta.
Xaaf ayaa sheegay mudaddii uu xilka hayay sida uu
hadalka u dhigay lugaha lagu dhigay, laakiin haddii uu heli lahaa madaxbannaani
uu ku shaqeeyo Galmudug uu gaarsiin lahaa meel wanaagsan.
‘’Waxaan cadeynayaa in aan ka
tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug, ciddii ay doonaan ha doorteen, laakiin waxaan kula dardaarmayaa in qofka
la doorto lala shaqeeyo’’ ayuu yiri madaxweyne Xaaf.
Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa soo baxayay warar
sheegaya in Xaaf uu ka mid noqonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha
maamulka Galmudug doorashada dhawaan la filayo in ay dhacdo.
Khaliif muddo dheer soo jiimayay kaddib Xaaf ayaa heshiis la galay dowladda
Soomaaliya wixii xiligaa ka danbeeyayna waxaa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]