10/23/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2019
Somaliland : Dib u dhac mar kale ku yimid doorashadii la filayey in ay dhamaadka sanadkan qabsoonto


 

Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in aanay doorasho ku dhaceen wakhtigii loo qorsheeyey ee December 12,2019  duruufo siyaasadeed iyo mid sharci  awgeed.

Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan ayaa ka sheekeeyey wixii u qabsoomay doorashadii madaxweynaha ka dib, waxaanu sheegay in dib loo sii tayeeyey qalabkii lagu galay doorashada, sidoo kale, waxay baadhitaan ku sameeyeen sarferkii dadka lagu diiwaangaliyey inay wax ka khaldameen iyo in kale.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay duruufaha aanay mudadii loo cayimay ugu dhaceen doorashadu ay ka mid yihiin xeerarkii lagu gali lahaa doorashada oo wali golahawakiiladda hor yaalla,diiwaangalintii oo ahayd in la furo aan wali la furin iyo duruufo farsamo iyo sharci ay tahay caqabad aanay doorasho ku dhici Karin mudadii loo cayimay.

“Markaanu aragnay, xeerarka doorashooyinka qaranka ee lagu gali lahaa doorashada golaha deegaanka iyo Baarlamaanka aanay wali diyaar ahayn oo uu xeerkii hor yaalo golaha wakiilada, qodobka labaad dib u furistii diiwangallinta oo aan wali qabsomin, qodobka saddexaad wuxuu arkay duruufo farsamo iyo mid sharci ee ku gadaaman qabsoomida doorashooyinka, sidaas daraadeed wuxuu cadaynaya in aanay doorashadii u qorshaysnayd in la qabto December 12,2019 aanay farsamo ahaan iyo sharci ahaanba qabsoomi kareen, waraaqdii aanu arrintaasi ku cadaynaynay waanu u qornay madaxweynaha iyo guurtiddaba, madaxweynahana degreeto ku soo saaraya muddo 15 cisho gudaheed ah”ayuu yidhi gudoomiye Iimaan oo ka hadlayey dib u dhac mar kale ku yimid wakhtigii loo cayimay doorashadda.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay labadii sanno ee u dambeeyeen wixii u qabsoomay waxaanu yidhi “Komishanka doorashooyinka wuxuu ku faanaya inuu sameeyey diwaaangalin casri ah oo Afrika naadir ku ah ama markii ugu horeysay ah, taas oo ah in bu’da isha laga qaadayey sawirka, waxa kale oo uu ku faanaya inuu qabtay doorasho xor oo xalaal ah oo beesha caalamka kuwii goobjoogayaasha ka ahaa iyo kuwii maxaliga ahaaba iyo qolooyinka inaga caawiya doorashooyinka dhanka dhaqaalaha intuba ay ka markhaati fureen in sidii loogu talogalay u dhacday doorashaadaasi.”

“Shirkada Maraykanka ah ee lahayd qalabka lagu galay doorashooyinka waxaanu heshiish kula galnay inay baadhaan oo dib u eegaan sarfarka lagu ururiyey diiwaangalinta hadii khalad ka dhacay iyo inay tayadiisa dib usii eegaan waxa iska bedelay, taas oo warbixin fiican ka soo saartay korna usii qaaday tayadii si loogu galo doorashada isku sidkan ee golaha deegaanka iyo baarlamaanka, waxaana heshiish kale la galnay shirkad kale oo koonfur afrika ah taas oo iyaduna qalabkan sii tayeyn doonta nidaamkiisa kor usii qaadaysa”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey qalabka casriga ah ee doorashada lagu gallay.

Dhinaca kale, guddida doorashooyinku wuxuu sheegay in eedihii baryahan dambe loo soo jeedinayey ay ka baxsanadeed heshiihskii ay kala qorteen saddexda xisbi iyo komishanka, taas oo aan wafaqsanayn xeerarka u yaalla doorashooyinka, balse ay u dulqaadeen maadaama oo ay arrimo xasaasi ah ay masuul ka yihiin.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.

 

 










Click here
8/8/2019 10:36 PM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) – Hay'adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay warbixintii u horreysay oo horudhac ah oo looga hadlay natiijada baaritaan lagu waday weerarkii 24tii bishii hore ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

8/8/2019 11:58 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) – Ururka Midowga Yurub ayaa 56 milyan oo dollarka Marekanka ah ugu yaboohaya dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, sida laga soo xigtay bayaan uu golaha soo saaray.

8/8/2019 10:24 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) – Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr, Maxamed Guyow oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo soo gabagabeeyay booqashadiisii qiimeynta doorashada Jubbaland.

8/8/2019 10:08 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) –Taliska Booliiska AMISOM iyo kan Jubbaland ayaa maanta markii ugu horeysay wada jir u booqday xarunta lagu wado in ay dhawaan ka dhacdo doorashada baarlamaanka tan madaxtinimada ee magaalada Kismaayo.

8/8/2019 9:47 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)–Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen ganacsatada qeybaha kala duwan ee Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa ka digay in ganacsatada dusha sare looga keeno hoggaank aysan iyagu dooran.

8/8/2019 7:26 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda Save The Children oo ka dhacday magaalada Beledweyne ayaa looga hadlay muhiimada uu Ilmaha yar u leeyahay in uu helo Naas-nuujin dhameystiran.

8/8/2019 6:21 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda toogasho ku dileen haweeney damacsaneyd in ay is qarxiso.

8/8/2019 4:23 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)- Dagaallamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa weerarray degmada Aw-dheegle , halkaa oo ciidammada dowladda ay dhowaan si nabadgalyo ah ula wareegeen.

8/8/2019 4:21 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,Maxamed Mursla Sheekh Cabdiraxaan oo booqasho ku jooga dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray magaalada Cape Town, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

8/8/2019 3:19 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka qaarrada Africa Gen. Stephen Townsend oo booqasho aan la shaacin ku yimid Arbacdii shalay magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamooto.

8/8/2019 1:56 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Baarlamanka dalka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin ku wajahan xukuumadda, kaasi oo ku saabsan habka ay tahay inay u xaliso muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si baarlamanka u ansixiyo.

8/8/2019 1:43 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi iyo wefti uu hogaaminayo ayaa casuumad ka helay boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdul Casiis, halkaas oo ay ku soo gudan doonaan waajibaadka Xajka.

8/8/2019 1:31 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Hoggaanka sare ee ONLF ayaa sheegay in wali uusan waxba iska badalin qorsihii ay markii horeba u dagaalamayeen,inkatoo ay heshiis guud oo nabadeed ay la saxiixdeen dowladda Itoobiya.