4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2019
IGAD oo war ka soo saartay doorashada Jubbaland

 

Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) – Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr, Maxamed Guyow oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo soo gabagabeeyay booqashadiisii qiimeynta doorashada Jubbaland.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo waxaa uu kaga hadlay dhaq dhaqaaqyada doorashada iyo safarkiisa, isagoo xusay in waxyaabihii uu kala kulmay la wadaagi doono wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay Muqdisho.

Waxaa uu shirkiisa jaraa’id uu ku sheegay in habka ay u socoto doorashada ay la wadaagi doonaan beesha Caalamka oo il gaara ku heysa doorashada qabsoomeysa 24-ka bishan.

Wakiilku ayaa sheegay in IGAD ay caddeynayso in ahmiyad gaar ah ay leedahay doorashooyinka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha ee Jubbaland ka dhacaya, taasoo horay u sii wadaysa geedi socodka yagleelida Dowladnimada iyo maamul wanaaga kuwaas oo xoojin doona amniga xasiloonida iyo kobaca hormarka bulshada.

Dr Maxamed Guyow wakiilka IGAD wuxuu intaas ku daray in uu adkaynayo baahida loo qabo qabsoomida doorashooyin madax banaan oo qaab hufan ku dhaca oo loo siman yahay taas oo waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dowladda Federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]