4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2019
Xuska Toddobaadka Naas-nuujinta oo lagu qabtay magaalada Beledweyne

Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda Save The Children oo ka dhacday magaalada Beledweyne  ayaa looga hadlay muhiimada uu Ilmaha yar u leeyahay in uu helo Naas-nuujin dhameystiran.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa ka mid ahaa mas'uuliyiintii ka qeybgashay munaasabada xuska toddobaadka Naas-juujinta oo ka qeybgalayaasha siweyn loogu baraarujiyay muhiimada ay carruurta u leedahay in ay hellaan Naas-nuujin dhameystirin waqtiga ugu haboon taa oo wax weyn ka tiri karta koriimadiisa iyo waliba caafimaadka Ilamaha Yar.

Cabdullaahi Aadan Macallimuu oo ka mid ah saraakiisha hay'addaha Save The Children ee munaasabadan oo qaban-qaabisay oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in aduunka oo dhan marka la eego sanad walba inta u dhaxeysa 1-7 bishan Augusto laga maamuso toddobaadka Naas-nuujinta, Soomaaliya-na waxaa uu sheega in ay ka mid tahay dalalka sida weyn hooyoonka loogu wac-yigaliyo muhiimada arintan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa sheegay in ka maamul ahaan dhiri-galinayaan wacyigalinta arrimaha bulshada, waxaana uu uga mahad celiyay hay'adda Save qabanqaabada munaasabadan oo kale oo sida uu hadalka  dhigay qeyb weyn ka ah sare u qaadidda caafimaadka carruurta.

''Waxaa hubaal ah in cunug walba inta uu fursad u helo Naas-nuujin dhameystiran in uu ka caafimaad iyo koriimo wanaagsan yahay kan aan helin sidaa daraadeed ka maamul ahaa waan soo dhaweyney-naa  in la xoojiyo wacyigalinnada noocan oo kale'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale intii ay munasabadu socta waxaa suugan muhiimada ay Naas-nuujintu leedahay ku soo bandhigay qaar ka mid ah haweenkii ka qeygalay oo sheegay in fariinta arrinta ku saabsan gaarsiin doonaan bulshada inteeda kale gaar ahaan haweenka oo ay si gaar ah ugu socto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]