4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2019
Haweeney is qarxin laheyd oo lagu toogtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo

 

Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda toogasho ku dileen haweeney damacsaneyd in ay is qarxiso.

Warkan oo lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ka hortageen weerar is qarxin ah oo ay fulin laheyd qof dumar ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo kaddib markii ay ciidamada toogasho ku dileen. 

Haweeneydan oo la sheegay in ay la soctay gaari ka yimid degmada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa Bam gacmeed ku weerartay saldhig ay degenaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana toogashada kaddib lagu arkay walxaha qarxa oo jirkeeda ku xirnaa.

Saraakiisha ciidamada dowladda ma aysan bixin faah faahin intaa dhaafsiisan oo la xiriira haweeneydan la sheegay in lagu toogtay degmada Baardheere. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]