3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2019
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmaya jaaliyadda Koonfur Afrika

Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,Maxamed Mursla Sheekh Cabdiraxaan  oo booqasho ku jooga dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray magaalada Cape Town, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

Safiirka safaaradda dowladda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika iyo mas'uuliyiin kale ayaa uga hortagay garoonka diyaaradaha, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xubnaha kale ee socdaalkiisa ku weheliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in uu kullan laqaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan, isagoo kala hadli doona arrimo badan oo harmarka dalka kamid yahay.

Wuxuu dalkaasi Koonfur Afrika uga qeybgalay shirka baarlamaanada Afrika ee dalkaasi ak dhacay,kaasi oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
8/8/2019 10:36 PM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) – Hay'adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay warbixintii u horreysay oo horudhac ah oo looga hadlay natiijada baaritaan lagu waday weerarkii 24tii bishii hore ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

8/8/2019 12:05 PM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in aanay doorasho ku dhaceen wakhtigii loo qorsheeyey ee December 12,2019 duruufo siyaasadeed iyo mid sharci awgeed.

8/8/2019 11:58 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) – Ururka Midowga Yurub ayaa 56 milyan oo dollarka Marekanka ah ugu yaboohaya dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, sida laga soo xigtay bayaan uu golaha soo saaray.

8/8/2019 10:24 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) – Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr, Maxamed Guyow oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo soo gabagabeeyay booqashadiisii qiimeynta doorashada Jubbaland.

8/8/2019 10:08 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) –Taliska Booliiska AMISOM iyo kan Jubbaland ayaa maanta markii ugu horeysay wada jir u booqday xarunta lagu wado in ay dhawaan ka dhacdo doorashada baarlamaanka tan madaxtinimada ee magaalada Kismaayo.

8/8/2019 9:47 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)–Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen ganacsatada qeybaha kala duwan ee Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa ka digay in ganacsatada dusha sare looga keeno hoggaank aysan iyagu dooran.

8/8/2019 7:26 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda Save The Children oo ka dhacday magaalada Beledweyne ayaa looga hadlay muhiimada uu Ilmaha yar u leeyahay in uu helo Naas-nuujin dhameystiran.

8/8/2019 6:21 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda toogasho ku dileen haweeney damacsaneyd in ay is qarxiso.

8/8/2019 4:23 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)- Dagaallamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa weerarray degmada Aw-dheegle , halkaa oo ciidammada dowladda ay dhowaan si nabadgalyo ah ula wareegeen.

8/8/2019 3:19 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka qaarrada Africa Gen. Stephen Townsend oo booqasho aan la shaacin ku yimid Arbacdii shalay magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamooto.

8/8/2019 1:56 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Baarlamanka dalka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin ku wajahan xukuumadda, kaasi oo ku saabsan habka ay tahay inay u xaliso muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si baarlamanka u ansixiyo.

8/8/2019 1:43 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi iyo wefti uu hogaaminayo ayaa casuumad ka helay boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdul Casiis, halkaas oo ay ku soo gudan doonaan waajibaadka Xajka.

8/8/2019 1:31 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Hoggaanka sare ee ONLF ayaa sheegay in wali uusan waxba iska badalin qorsihii ay markii horeba u dagaalamayeen,inkatoo ay heshiis guud oo nabadeed ay la saxiixdeen dowladda Itoobiya.