Aadan Barre Ducaale oo Baarlamaanka Kenya u gudbiyay mooshin ka dhan ah muranka Badda
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Baarlamanka dalka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin ku wajahan xukuumadda, kaasi oo ku saabsan habka ay tahay inay u xaliso muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si baarlamanka u ansixiyo.
Mooshinkan oo uu diyaariyey hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamanka,
Aadan Ducaale ayaa ka codsanaya dowladda in ay xaliso muranka badda
islamarkaana ay ilaaliso madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya,
si waafqsan qodobada 5, 241(3), 255 ee dastuurka Kenya, sida lagu yiro
qaraarka.
Mooshinka ayaa soo jeediyey dhowr tallaabo oo ay tahay in dowladda ay qaado kuna wajahdo murankan, waxaana ugu weyn:
1 – In marka ugu horreysa, islamarkaana ah sida la doorbidayo, ay
dowladda Kenya kala hadasho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in
murannka lagu xaliyo hab diblomaasiyadeed ayada oo loo marayo marinnada
la heli karo ee Afrika, sida Midowga Afrika, IGAD iyo ururka EAC.
2 – In dowladda Kenya ay u ku wargeliso QM, in ay kasoo horjeedo in
maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ ay sharciyad u leeedahay
inay gasho kiiska muran badeedka ee Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo la
tixraacayo diidmadii ay Kenya ka sameysay sharciyadda ICJ, sanaddii
1965.
3 - Haddii arrimahaas ay guuldarreystaan, in kadib Kenya ay eegto
hababka kale ee sharciga iyo dastuuriga ah, ee ay ku difaaceyso dhulka
jamhuuriyadda, taasi oo ay ku jirto in ciidamada Kenya ee KDF la geeyo
xuduud badeedka lagu muransan yahay, si ay u gutaan waajibka ka saaran
madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafaqsan qodobka
241(3) ee dastuurka.
Mooshinka Kenya ayaa imanaya ayada oo maxkamadda ICJ ay mar kale
dhageysan doonto dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya,
bisha September ee 2019. Dowladda Soomaaliya weli kama jawaabin qaraarka baarlamanka Kenya.