3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2019
Madaxweyne Biixi oo martiqaad ka helay boqorka dalka Sucuudiga


Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi  iyo wefti uu hogaaminayo ayaa casuumad ka helay boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdul Casiis, halkaas oo ay ku soo gudan doonaan waajibaadka Xajka.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa diyaarad khaas ah oo loo soo direy ka qaaday madaarka Hargeysa, waxaaanu afhayeenka madaxweynuhu Maxamuud Ducaale sheegay in markii ugu horeysay madaxweyne reer Somaliland ahi ku tagay Sucuudiga Paasaboor Somaliland ah, taas oo uu ku tilmaamay horumarka laga sameeyey siyaasada arrimaha Dibadda Somaliland.

Gudashada waajibaadka xajka kaddib, waxa weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa gudo geli doonaan kulammo ay la yeelanayaan masuuliyiinta dalka Sucuudiga, kuwaas oo lagaga arrinsan doono cilaaqaadka iyo xidhiidhka qotoda dheer ee labada dal u dhexeeya.

Xubnaha weftiga ah ee ku wehelinaya safarka madaxweynaha, ayaa waxa kamid ah wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Hawlaha guud, Guryeynta iyo Dhulka, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo la-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, waxana sii sagootiyey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.

. 













Click here
8/8/2019 10:36 PM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) – Hay'adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay warbixintii u horreysay oo horudhac ah oo looga hadlay natiijada baaritaan lagu waday weerarkii 24tii bishii hore ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

8/8/2019 12:05 PM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in aanay doorasho ku dhaceen wakhtigii loo qorsheeyey ee December 12,2019 duruufo siyaasadeed iyo mid sharci awgeed.

8/8/2019 11:58 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) – Ururka Midowga Yurub ayaa 56 milyan oo dollarka Marekanka ah ugu yaboohaya dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, sida laga soo xigtay bayaan uu golaha soo saaray.

8/8/2019 10:24 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) – Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr, Maxamed Guyow oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo soo gabagabeeyay booqashadiisii qiimeynta doorashada Jubbaland.

8/8/2019 10:08 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL) –Taliska Booliiska AMISOM iyo kan Jubbaland ayaa maanta markii ugu horeysay wada jir u booqday xarunta lagu wado in ay dhawaan ka dhacdo doorashada baarlamaanka tan madaxtinimada ee magaalada Kismaayo.

8/8/2019 9:47 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)–Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen ganacsatada qeybaha kala duwan ee Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa ka digay in ganacsatada dusha sare looga keeno hoggaank aysan iyagu dooran.

8/8/2019 7:26 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda Save The Children oo ka dhacday magaalada Beledweyne ayaa looga hadlay muhiimada uu Ilmaha yar u leeyahay in uu helo Naas-nuujin dhameystiran.

8/8/2019 6:21 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda toogasho ku dileen haweeney damacsaneyd in ay is qarxiso.

8/8/2019 4:23 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)- Dagaallamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa weerarray degmada Aw-dheegle , halkaa oo ciidammada dowladda ay dhowaan si nabadgalyo ah ula wareegeen.

8/8/2019 4:21 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,Maxamed Mursla Sheekh Cabdiraxaan oo booqasho ku jooga dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray magaalada Cape Town, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

8/8/2019 3:19 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka qaarrada Africa Gen. Stephen Townsend oo booqasho aan la shaacin ku yimid Arbacdii shalay magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamooto.

8/8/2019 1:56 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Baarlamanka dalka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin ku wajahan xukuumadda, kaasi oo ku saabsan habka ay tahay inay u xaliso muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si baarlamanka u ansixiyo.

8/8/2019 1:31 AM EST
Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Hoggaanka sare ee ONLF ayaa sheegay in wali uusan waxba iska badalin qorsihii ay markii horeba u dagaalamayeen,inkatoo ay heshiis guud oo nabadeed ay la saxiixdeen dowladda Itoobiya.