Khamiis, Augusto, 08, 2019 (HOL)-Hoggaanka sare ee ONLF ayaa sheegay in wali uusan waxba iska badalin qorsihii ay markii horeba u dagaalamayeen,inkatoo ay heshiis guud oo nabadeed ay la saxiixdeen dowladda Itoobiya.
Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan ayaa sheegay in dhulka dowlad deegaanka Soomaalida uu yahay deegaan Soomaali leedahay,balse ay gacanta ku heyso dowladda Itoobiya, sidoo kalena uu u baahan yahay in la xorreeyo.
Mar uu la hadlayaya BBC-da ayuu sheegay in ONLF aysan weli ka
tanaasulin ama ka laaban halgankii ay ku jireen ee ahaa in ay xoreeyaan
dowlad deegaanka Soomaalida, hasse ahaatee kaliya ay wax ku raadinayaan
xilligaan wacyigelin iyo inay Bulshada caadiga ah halkanka ka qeyb
qaataan.
''Dhulka Ogaadeeniya waxaa uu hadda ka tirsan yahay dowladda Itoobiya, waxaanan leenahay dhulkaasi Itoobiya kama tirsana, Annaga qorshahii aan markii horeba u dagaalameynay kaa ayuu ahaa, walina qorshaheenii waxba kama badalin ee la xiriiray halganka'' ayuu yiri Admiralka.
Hadalka Guddoomiyaha Jabhada ONLF ayaa ku soo aadaya xilli jabhadaas ay heshiis la gashay Dowladda Itoobiya,isla markaana Ciidamadoodii ay qarkood ku biireen Ciidamada Dowlad deegaanka halka qaarkood ay Shacabka
ka mid noqdeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]