4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2019
Madaxweynaha Puntland oo wada-hadal ugu baaqay Soomaaliland

Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay ugu baaqay Soomaaliland wada-hadal, isagoo marka hadal ka jeediyay munaasabad lagu soo bandhigay buug ka hadlaya nabadda Soomaaliya.

"Farriinta ugu horaysa waxaan u dirayaa Soomaaliland, shaatigaaga waa lagugu qabsan karaa, dhulka Puntland ee ay kusoo xadgudubtey , wadahadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaaā€¯ ayuu yiri madaxweyna Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa baaqan u diray Soomaaliland ayaa ku muransan gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana labada maamul labo mar uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kadib markii ciidamada Somalayaailand ay qabsadeen magaalada Tukaraq 8 Janaayo 2018kii.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]