4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2019
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo goor dhaw la doortay

 


Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Waxaa goor dhaw la soo gabagabeeyay wajigii hore doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Labaad ee dowlad gobolleedka Jubbalad oo ay ku tartamayeen labo musharax.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Shiinow Cali waxaana ku guuleystay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan (Sheekh Cabdi )

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa helay 55 Cod halka Xuseen Shiinow Cali  uu helay 18 Cod.

Giddoomiyaha cusub ee dib loo doortay ayaa horay u soo noqday guddoomiyihii Baarlamaankii Koowaad ee Jubbaland, waxaana dadka aqoonta u leh ay sheegayaan in uu saaxiib dhaw la yahay madaxweynaha Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe )

Waxaa hadda soconeysa codeynta ku-xigeennada guddoonka Baarlamaanka, iyadoo maanta guud ahaan la soo dhameystirayo dhismaha Baarlamaanka labaad ee dowlad gobolleedka Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]