4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2019
Guddiga Doorashooyinka Jubbaland oo oggaaladay waqtiga dheeraad ah oo ay isku diiwaangelin karaan musharrixiinta

Jimco, Augusto, 16, 2019 (HOL)- Guddiga xuduuddaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa waqti dheeraad ah ku darray xilliga is-diiwaangelinta ee musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Jubbaland, sida ay oggaatay Hiiraan Online.

Guddiga ayaa muddo saddex cisho ah ku darray xilliga diiwaangelinta, arrintaa oo ka dambeysay baaqyo ka imaanayay beesha caalamka oo la xiriiray in waqti dheeraad ah lagu darro diiwaangelin si halkaa ay uga helaan fursad musharrixiinta mucaaradka ah.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo dhowaan booqday Kismaayo ayaa dalab la xiriira in waqti dheeraad ah lagu darro diiwaangelinta musharrixiinta u gudbiyay madaxweynaha Jubbaland.

Balse waxaan go’aan laga gaarin qodob kale oo la xiriiray go’aanka ay Jubbaland ku mamnuucday inay mas’uuliyiinta dowladda Federaalka imaan karaan Kismaayo, iyada oo la sheegay arrintaa inay ka fadhisan doonaan golaha wasiirrada oo markii hore go’aankan soo saaray.






Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]