4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2019
Kooxda Haweenka kubadda Koleyga ee Muqdisho City Club oo dalka Tanzania uga qaybgalaysa tartanka koleyga ee dalalka geeska Afrika


Jimco, Augusto, 16, 2019 (HOL)- Kooxda haweenka ah ee kubadda Koleyga Muqdisho City Club ayaa sannadkan ku mataleysa Soomaaliya tartanka caalamiga ah ee koleyga dalalka geeska Afrika.

Tartanka oo ay ka qaybgalayaan kooxo ka socda dhammaan dalalka geeska Afrika iyo dalka Masar ayaa sannadkan lagu qabanaya dalka Tanzania.

Tababarraha macallimiinta kubadda Koleyga, Sucaad Gallow ayaa  sheegtay in sannadkan kooxda kubadda koleyga ku mataleysa dalka laga filanayo inay tartanka ku guuleystaan, waxaa ay sheegtay in diyaar garow xooggan ay sameysay kooxda oo ay sidoo kale ka mid yihiin ciyaaryahanno qurba-joog ah.

“Rajada aan qabno kaliya waxaan kugu sheegi kara inay tahay ilaa kullanka kama dambeysta inan ku guuleysano, sidaa waxaan u leeyahay waxaan oggahay tayada ciyaaryahannada kooxda.” Sucaad ayaa sida u sheegtay Hiiraan Online.

Macallin Sucaad Gallow ayaa taariikh dheer ku leh kubadda koleyga ee Soomaaliya, waxaana ay ka mid aheyd kooxdii caanka aheyd ee Horseed. Waxaa ay sheegtay kooxda ka qaybgalaysa tartanka inay ku guuleysteen tartankii kubadda Koleyga Dumar ee lagu qabtay Muqdisho, kaas oo ay ka qaybgaleen kooxo ka socday dowlad-gobolleedyada.

Macallinka kooxda koleyga dumarka ee Muqdisho City, Mulki Nuur Muudey ayaa dhankeeda sheegtay in dhowaan kooxda ay tababar u aadi doonaan dalka Qatar, oo muddo labo toddobaad ah ay isku diyaarin doonaan.

Kubadda Koleyga ee haweenka ayaa Soomaaliya xilligii dowladdii dhexe ka mid aheyd tartamada loogu jecelyahay, balse xiisaha wuxuu ku ekaa xilligaa oo ma jirin kooxo iyo tartamo lagu qabtay dalka, haddase waxaa socda iskudayo lagu doonayo in dib loo soo nooleeyo qaybaha isboortiska ee dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]