4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2019
Hay’ad loogu magac darray AUN Maxamed Sh. Cali oo Muqdisho looga dhawaaqay


Jimco, Augusto, 16, 2019 (HOL)-  Hay’ad ka shaqeyn doonta caawinta dadka dan’yarta iyo carruurta agoonta ah ayaa looga dhawaaqay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Hay’addan ayaa loogu magac darray Allaha u naxaristo Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo ahaa nin dhallinyaro ah oo tusaale u ahaa ganacsiga , wuxuuna muddo kooban caan ka noqday caasimadda Muqdisho, kaddib markii uu hirgeliyay fikrado ganacsi oo lagu mah-diyay, waxaa kalo uu fulin jiray barnaamijyo lagu taageerrayo dadka dan’yarta ah iyo carruurta agoonta.

AUN Maxamed ayaa koox hubeysan ay ku dileen Muqdisho 2 bishii Agoosto ee sannadkii 2018ka.

“Maxamed Maxamuud asagaa aasaasay hay’addan,waayo isaga ayaa waxa uu kaalmeyn jirey ilmaha agoonta ah iyo qoysaska dan’yarta ah, waxaa jirtay wiilal uu dugsiga ka bixin jiray, qaar uu jaamacadda ka bixin jiray.. marka wixii uu ka tagey ee wanagsanaa waa lagama maarmaan, wayna naga go’antahay inan wadno si uusan u baabi’in oo magaciisa uu u haro.” ayuu yiri  Aabbe Maxamuud Sheekh Cali.

Munaasabadda lagu shaaciyay hay’adda ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin, qurba-joog iyo xubno ka socday qaybaha bulshada, waxaana ay dhammaan ku dheeraadeen sida uu dhallinyarada Soomaaliyeed tusaale ugu ahaa marxuun Maxamed Maxamuud.

Ka qayb-galayaasha ayaa sidoo kale sheegay sannad kaddib geerida marxuun Maxamed, inay ku xasuusan doonaan sida uu ugu dhiirrigalin jiray dhallinyarada iyo aqoon-yahanka Soomaaliyeed inay dib dalka ugu soo laabtaan, kuna soo kordhiyaan fikraddo wax bedeli kara.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]