4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2019
Guddoomiye Tuulax : Waa laga sii war hayay qorshaha dadka maanta la toogtay

 

Jimco, Augusto, 16, 2019 (HOL)-Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay afar ruux toogasho lagu dilay maanta.

Wuxuu sheegay in laamaha Amniga ka sii war hayeen qorshaha ay doonayeen in ay ku dilaan agaasime waaxeedka ka tirsanaa Wasaaradda Waxbarashada oo lagu magacaabo Cabdi Garre.

'' Qorshahoodu wuxuu ahaa marka laga soo baxo salaada Jimcaha in ay toogasho ku dileen agaasimaha, laakiin ciidamada ayaa goobta ugu sii diyaar-garoobay markii ay ogaadeen in qorshahoodii fashilmay waxaa ay bilaaben in ay dagaalamaan, goobta ayaa lagu toogtay saddexii ragga ahaa qof dumar ah oo caawineysay.'' ayuu yiri Tuulax

Goobta uu howlgalka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolkan Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuux iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]