4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2019
Duqeyn lagu dilay 21 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Jimco, Augusto, 16, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha Mareykanka oo taageerro siinaya ciidamada dowladda duqeyn la beegsadeen saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaannada Mubaarak iyo Janaale

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u sheegay  Idaacada Ciidamada Qalabka sida in duqeynta ka dhacday  saldhiga Mubaarag lagu dilay 21 ka tirsanaa dagaalyahannada Ururka Al-shabaab oo isugu jiray sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha Soomaaliya iyo Ajnabi.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa intaa ku daray in  duqeyn labaad ay ka dhacday deegaanka Janaale ee duleedka Magaalada  Marka,isla markaana lala eegtay xumno ka tirsan Al-Shabaab khasaarana  lagu garsiiyay.

Al-Shabaab weli kama hadlin warkaan kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo ku aadan in duqeyn lala eegtay Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaannada Mubaarak iyo Janaale ee Gobolkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]