4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2019
Liiska Ergooyinka shirka Dhuusa-Mareeb oo la soo dhameystiray

 

Jicmo, Augusto, 16, 2019, (HOL)-Iyadoo  lagu wado in maalinta berri ah uu ka furmo magaalada Dhuusa-Mareeb shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug ayuu sheegay guddoonka guddiga qaban-qaabada in dhamaanba la soo dhameystiray Liiska ergada shirka ka qeybgali doonta,

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Baadiyoow guddoomiyaha guddiga qabanqaabada shirka ayaa sheegay dhinacyada,hoolka shirka, Agabka la isticmaalayo, iyo amniga intaba la diyaariyay, islamarkaana kaliya ay harsan tahay in shirkaasi uu qabsoomo 17 Bishaan oo ku beegan berri oo Sabti ah. 

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intasi ku daray in dhamaan ay soo gaareen liiska ergada Beelaha dega deegaannada Galmudug uga qyeb galaya Shirka dib u heshiisiinta Galmudug, hayeeshee kaliya ay harsan tahay in dadkaasi la soo daabulo lana keeno magalada Dhuusamareeb.

Laakiin haddana dhinaca kale marka la eego waxaa jira qaar ka mid ah beelaha degga degaannada Galmudu goo wali ka biyo diidan shirkaa kuwaa oo dalbaday in shirka dib loo dhiggo lana xaliyo marka hore tabashooyinka ka jira.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]