4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2019
Shirka wadatashiga ka faa'ideystayasha mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo Baydhabo ku soo dhamaaday


Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)- Waxaa Magaalada Baydhaba ku soo gaba-gaboobey Kulanka Wadatashiga Ka faa’ideystayaasha Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta kaa soo ka socday magaalada Baydhabo intii u dhexeysay 13ka illaa 15ka Agoosto 2019ka.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah u furey Madaxweynaha Dowlad- goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen), islamarkaana uuna soo xirey Gudoomaha baarlamaanka Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa ayaa waxaa ka soo qeybgaley Wasirka Wasaaradda WBI&T, Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan iyo Wasiir-dowlaha WBI&T, Mudane Xildh. Cabdullaahi Bile Nuur; Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee HirShabeelle, Mudane Xildh. Eng. Cabdiwali Sheekh Cali; Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Koonfur Galbeed, Mudane Xildh. Mohamednuur Sheekh Cadde; Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska ee Puntland Mudane Cali Xassan Axmed ayaa waxaa looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomey shirkii wadatashiga ahaa ee ka qabsoomay Magaaladda Muqdisho intii u dhaxaysay 16-18, Abriil 2019.

Shirkan oo muddo seddex maalmood ah ka socday Magaalada Baydhabo oo ay ka soo qeybgaleen sidoo kale Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada WasaaraddahaBoostada, Isgaarsiinta ee heer federaal iyo heer Dawlad-goboleed, Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta, Bahda Waxbarashada sare, Jaamacadda Ummada iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxa ay masuuliyiinta ka soo qeybgalay Shirka wada-tashiga isla meel-dhigeen qodobadan hoos ku xusan:

1. Waxaa ay uga mahadceliyeen Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee DFS kulankan wadatashiga ah iyo kii ka horeeyeyba waxa ayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada nuucan oo kale ah.

2. Waxa ay bogaadiyeen shaqooyinkii qabsoomey intii u dhaxeysay labada shir weyne taasi oo la fuliyey shaqooyinkii lagu balamay badankooda inta harsanna ay socoto shaqadoodu iyada oo ay ka wada shaqaynayaan WBIT heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta iyo Bankiga Aduunku.

3. Waxa ay soo dhaweeyeen sida quruxda badan ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadd heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed uga wada shaqeeyeen ka howl gelidda iyo dardar gelinta Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta wejigiisa Labaad iyo kan Sadexaad ee la rajaynayo.

4. Waxa la isla qaatay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo ka faa’ideysashada mashruuca Cusub ee Dadaalka Geeska Afrika, kaasi oo war bixin ku saabsan goobta uu MTI ku soo bandhigey. Dhamaan kasoo qeyb galayaashuna ay soo dhaweeyeen mashruucaa laguna balamay in dhamaan ka faa’ideystayaasha kala duwan ay si mug leh uga qeyb qaataan.

5. Waxaa la’isku raacay in shirka kan xiga lagu qabto magaala madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeella ee Jowhar.

6. Waxaa Shirku uu u mahadceliyey Mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan wada-tashiga ah iyo waxyaabihii tiradda badnaa ee ay u qabteen dalka guud ahaan.

7. Ugu danbeyn waxaa loo mahad celiyey Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u marti geliyeen shirkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]