4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2019
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay is afgarad u dhaxeeya wasaaradaha Shaqada ee Soomaaliya iyo Turkiga

Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)– Golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta yeeshay shir toddobaadkii uu golaha yeesho maalinta khamiista ayaa ansixiyay heshiis is afgarad oo u dhaxeeya wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wasaaradda Shaqada,Daryeelka Bulshada iyo Qoyska  ee Jamhuuriyada Turkiga.

Is afgaradka oo ku saabsan qaybaha shaqada iyo shaqaaleynta,una dhexeeya dowladda Federaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya iyo dowladda Jumhuuriyada Turkiga, ayaa dhinacyada waxaa ay iska kaashanayaan taququsyada la xiriira shaqada iyo shaqaaleysiinta.

Labada wasaaradood waxay is dhafsan doonaan dokomiintiyada iyo macluumaadka la xiriira shuruudaha iyo wax ka beddelkooda,iyada oo guddi wada-jir ah uu ka shaqeynayo fulintinta iyo xaqiijinta arrimaha la xiriira heshiiska.

Heshiiskan is afgaradka ah ayaa horay waxaa u ansixiyay golaha wasiirrada ee Jamhuuriyada Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa golaha wasiirrada uga mahadceliyay ansixinta heshiiskan is afgaradka ah, wuxuuna caddeeyay heshiiskan oo mari doona Baarlamaanka inuu muhiimad ballaaran u leeyahay Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]