Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo kormeer kadis ah ku tagay qaar ka mid ah hay’adaha dawladda
Khamiis, Augusto, 15. 2019 (HOL)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa hiirtii hore ee saaka kormeer shaqo kusoo maray qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha qaranka iyo hay’adaha madaxa bannaan ee dawladda, waxana uu u kuurgalay hannaanka ay shaqadu ugu socoto xarumahaas.
Kormeerkan kediska ah ee uu ku
simaha madaxweynuhu kusoo maray qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha kala duwan
ee qaranka iyo hay’adaha madaxa bannaan oo ujeeddadiisu ahayd inuu u kuurgalo
hannaanka shaqo ee ay xarumahaasi ugu adeegaan shacabka, ayuu kusoo daraaseeyey
habka ay shaqadu u socoto, isaga oo masuuliyiinta kala duwan ee xarumahaasna ka
dhegaystay warbiximo la xidhiidha hannaanka shaqada.
Dhammaanba xafiisyada kala duwan
ee xarumaha uu madaxweyne-ku-xigeenku booqday, ayuu mid mid u galay, waxana uu
madaxda kala hooseeya ee xafiisyadaas ku qoran uu ka dhegaystay shaqooyinka ay
goobahaas ku qabtaan iyo muhiimadda ay leeyihiin, agabka yaalla iyo shaqaalaha
ka hawlgala.
Masuuliyiinta kala duwan ee
xarumaha uu madaxweyne-ku-xigeenku kormeeray oo diyaar ku ahaa goobahooda
shaqo, ayaa halkaas kusoo dhaweeyey madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubno katirsan
madaxtooyada oo wehelinayey, waxana kormeerkaasi markii uu soo dhammaaday
warbaahinta uga warbixiyey Af-hayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud
Warsame Jaamac, waxana hadalladiisii kamid ahaa, “Kormeerkan kediska ahi waxa
uu ku saabsanaa inuu u kuurgalo shaqooyinka ka socda wasaaradaha iyo adeegga ay
bulshada siinayaan hawl-wadeennada wasaaradahaas ku sugnaa, arrintanina waxa ay
muujinaysaa sida hagar la’aanta ah ee xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
iyo madaxweyne-ku-xigeen Cabdiraxmaan Saylici ay qarankooda ugu hagar baxayaan,
dadkan iyo dalkan ay masuulka ka yihiinna loo fidiyo horumarka iyo
ballan-qaadyadii xisbiga KULMIYE.”
Xarumaha wasaaradaha uu madaxweynuhu
tegay, ayaa waxa kamid ahaa Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga,
horumarinta caafimaadka, Waxbarashada iyo Sayniska, Warfaafinta, wacyigelinta
iyo dhaqanka iyada oo xarunta wargeyska DAWAN oo kamid ah waaxyaha ay leedahay
wasaaradda Warfaafinta iyo xarunta madbacadda qaranka oo ah hay’ad madax
bannaanna uu madaxweyne-ku-xigeenku soo kormeeray iyo Boosaha, isgaadhsiinta
iyo Tignoolajiyadda oo u wasiirku sharxaad ka siiyey madaxweyne ku xigeenka
qalab loogu talo galay la Socodka Dhaq-dhaqaaqa Shirkadaha Isgaadhsiinta,
qalabkaas oo ka kooban server-ada iyo system-yada xogta lagu maamulayo oo lagu
kaydinayo Waxa dhamaaday wajigii koobaad oo ah rakibidda waxana lagu jira
wajiga labaad oo ah ka shaqaysiinta system-ka. Markii kormeerkaasi soo
dhamaadayna waxa warbaahinta la hadlay oo faahfaahin ka siiyey ujeedka
kormeerka Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland