4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2019
Sannad-guuradii 35aad ee Aas- aaska Ururka ONLF ayaa maanta laga xusay Jigjiga

 

Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)-Waxaa maanta magaalada Jigjiga lagu xusay sannad guuradii 35aad ee Aas-aaska Ururka ONLF, xuskan ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Jigjiga.

Haddaba xuskan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda ONLF, Madaxda u saraysa DDS, Odayaal dhaqameedka iyo waxgaradka degaanka iyo Shacabka qaybihiisa kale duwan.

Xuskan ayaa waxaa khudbado kasoo jeediyay Madaxda Ururka ONLF, iyagoo sheegay in halgankii uu Ururku soo waday ee qoriga ahaa ku badaleen mid qalin ah halkiisiina uu kasii socon doono iyagoo si nabadgalyo ah u wadaya halganka.

ONLF ayaa muddo dheer usoo dagaallamayay Xoreynta dhulka Soomaalidu degto ee bariga Itoobiya, oo ay rabeen in Itoobiyada kale ka go'aan. waxayna hadda kadib u halgami doonaan qaab Xisbi oo gali doona doorashada soo socota. waxayna Xafiisyo ka furteen dhammaan gobollada degaanka iyo caasimadda dalka ee Addis Ababa.

Ururka ONLF oo lagu xanto inay hal qabiil u badan yihiin ayaa hadana waxay u halgamaan guud ahaan dadka Degaanka Soomaalida deggan.

Xuskan 35aad ee Aas-aaska ONLF ayaa maanta laga wada xusay gobollada degaanka iyo dibadda oo ay joogaan taageerayaasha ONLF 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]