4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2019
Lacagta Shilinka Soomaaliga oo leysku afgartay in laga isticmaalo magaalada Beledweyne

 

Khamiista, Augusto, 15, 2019 (HOL)- Ku dhawaad Afar sano kaddib magaalada Beledweyne waxaa dib uga bilaawday isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga oo meelaha qaar wax lagu kala iibsanayo.

Kulan ballaaran oo maanta magaaalada Beledweyne ay ku yeesheen mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo inta badan ganacsatada magaalada Beledweyne ayaa looga wada hadlay socodsiinta lacagta Shilinka Soomaaliga oo lagu dhawaaqay in maanta wixii ka danbeeya bulshada loogu baaqayo isticmaalkeeda.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo markii uu soo dhamaaday kulanka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laga bilaabo maanta bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne la farayo in ay her-galiyaan isticmaalka lacagtan oo sida uu sheegay muhiimad gaar ah u leh nolasha bulshada, gaar ahaan dadka danyarta oo aan heli karin lacagta Dollar-ka.

 

''Annaga ka maamul ahaan waxaan balanqaadeynaa in laga bilaabo maanta canshuurta ku qaado lacagta Shilin Soomaaliga, sidaa si la mid ah bulshada waxaa laga doonayaa in ay nagala shaqeeyaan sidii loo socodsiin lahaa, waa in maqaayadaha wax lagu kala iibsadaa, gaadiidka lagu raacaa, lagana socodsiiyaan dhamaanba xarumaha ganacsiga magaalada'' ayuu yiri guddoomiyaha.

Ganacsatadii kulanka ka qeybgashay oo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maalmihii ugu danbeeyayba si  aan badneyn looga isticmaalayay magaalada lacagtan Shilinka Soomaaliga, balse wixii maanta ka danbeeya leysku raacay in aan waxba lagu iibsan lacagta Dollar -ka ama adeega EVC  si dib loogu soo nooleeyo lacagta Shilin Soomaaliga.

Haddii la dhaqan -galo go'aankan isaga ah waxaa  uu ka dhigan yahay in muddo ku dhawaad Afar sano kaddib dadka reer Beledweyne arki doonaan lacagta Shilinka Soomaaliga oo muddo dheer ay dhif iyo naadir aheyd in xitaa muuqeeda la arko. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]