4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2019
Siciid Deni: Puntland waa loo soo shaqo tagaa marka ma noqonayso dadka reer Puntland shaqo mahaystaan

Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa diidday eedeymaha la xiriira inay shaqo la'aan ka jirto Puntland, isaga oo marka sababay diidmadiisa.

"Puntland waa loo soo shaqotagaa, marka ma noqonayso dadka reer Puntland shaqo mahaystaan, dalalka la leeyahay dadkoodu shaqo ma ahaystaan xitaa waxay la'yihiin musqul ay dhaqaan..meel ay ka shaqeeyaan maleh, wuxuu sugayaa nin ka tegey shaqo, mid dhintay iyo mid hawlgabnoqday shaqadiisa, shaqo la'aanta la sheegayaa waa taas, lakiin umad aan waxbaba ka shaqaynayn  oo haddana oranaysa shaqo la'aan baa nahaysa waa mushkilad, arrintaasi waxa ay u baahan tahay in si gaar ah loo baaro weliba Wasaaradaha ay khusayso." ayuu yiri madaxweyne Deni.

"Hay'addaha waxaan ka codsanayaa in mashariicdooda ay ku saleeyaan baahida halkan ka jirta. Waxaan aad uga xumahay in shaqooyinku iska noqdaan wax-baa sidaa layeeli jirey, waxaan rabnaa inaan noqono umad wax-soo-saar leh oo maskaxda ka shaqaysa, baahida qeexda, waddo xal ahna keenta oo aan la oran saas ayaa la yeelijirey. " ayuu ku daray.

Madaxweynaha Puntland oo hadalkan ka jeediyay munaasabad shalay lagu qabtay magaalada Garoowe oo lagu xusay maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada, ayaa sidoo kale caddeeyay xukuumaddiisa inay muhiimad gaar ah siinayso dhallinyarada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]