4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2019
Philadelphia: Weerar lagu Dhaawacay 6 Askari

 

Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)-Magaalada Taariikhiga ah ee Philadelphia ee dalka Mareykanka waxaa shaley galab ilaa xaley ka socdey toogasho iyo weerar dhex marey dabley hubaysan iyo ciidmada Booliiska dalkaas oo isku dayaya inay ka hortagaan kooxaha weerarka soo qaaday

Inta la xaqiijiyey 6 ka mid ah ciidamada booliiska ayaa la dhaawacay, waxaana dableydan ay wadeen muddo saacado ah weerarkan.

Booliiska ayaa si nabadgalyo ah dad shicib ah uga daad gureeyey goobaha dagaalku uu dhexmarayo dableyda si aysan waxyeelu u soo gaarin.

Sanadkan 2019 ayaa waxaa la sheegay in dalka Mareykanka ay ka dhaceen ku dhowaad 5o weerar, hayeeshee inta badan Warbaahinta dalkaas aysan tebin,waxaana weeraradaas ay la xiriiraan arrimaha cunsuriyeynya.

VOA