4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2019
Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada Jubbaland

 

Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL) –Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay ay halkaa ka soconayeen kulamo la doonayay in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay doorashada.

Kulamada ayaa gaar ahan lagu waramayaa in ay u dhaxeeyeen madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo saraakiil ka soctay howlgalka midowga Africa, balse lama sheegin wax natiijo ah oo ka soo baxay kulamadan, iyadoo warar hoose sheegayaan in dhamaanba leysku afgaran waayay qoddobadii laga wada hadlay.

Maanta ayaa la filayaa in Baarlamaanka cusub ee Jubbaland uu dhageysto khudbadaha musharixiinta guddoonka Baarlamaanka cusub, iyadoo wixii xiligaa ka danbeeyay la guda-gali doono qabanqaabada doorashada madaxweynaha.

Maalintii shalay waxaa Kismaayo gaaray wafdi xildhibaanno ah oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo sheegay in ay goobjoogu u noqonayaan doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha waxaana ay amaaneen sida ay howshuhu u socto,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]