4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2019
Xuutiyiinta oo 'weeraray' garoon ku yaalla Sacuudiga

 

Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL)-Maleeshiyada Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn ku qaaday garoonka Abha ee koonfurta galbeed ee Sacuudiga, ee ku dhow xuduudda Yemen, waxaa sidaas maanta sheegay taleefishinka Al-Masirah ee Xuutiyiinta.

Warbaahinta dowladda Sacuudiga weli kama hadlin weerarkan, islamarkaana saraakiisha Sacuudiga ayaan si deg deg ah jawaab looga heli karin.

Xuutiyiinta oo maamula magaalada caasimadda u ah Yemen ee Sanca iyo deegaanada ku hareereysan ayaa bilihii dhowaa sare u qaday weerarada ay ka fulinayaan bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dalka Sacuudiga.

Ayaga oo taas ka jawaabaya, ayaa isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen waxay beegsadeen goobo militari oo ay kooxdan leedahay, gaar ahaan kuwo ku yaalla agagaarka Sanca.

Weeraradan ayaa sii adkaynaya dadaallada nabadeed ee QM ay hoggaamineyso.

Isbahaysiga ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo sidoo kale taageero ka hela reer galbeedka, ayaa faro-geliyey Yemen sanaddii 2015, si ay isugu dayaan inay xukunka kusoo celiyaan dowladda Yemen oo xukunka Sanca ay ka tuureen Xuutiyiinta.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun, wuxuuna malaayiin reer Yemen ah qarka u saaray macluul.

VOA