3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2019
Liiska xildhibaanno kale oo looga dhawaaqay goor dhaw magaalada Kismaayo

 

Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) –Guddi doorasho oo ay magacaabeen musharixiinta xilka madaxweynaha Jubbaland ee isbadal doonka  ayaa  soo saaray liiska xildhibaanno ay ku sheegeen in ay soo xuleen odayaasha dhaqanka.

Liiskan ay soo saareen ee Xildhibaanada ayaa gaaraya 75 Xildhibaan waxaana ka muuqda magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan, taasoo ka duwan liiskii xalay soo baxay oo kaliya ku qornaa magaca xubnaha cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Guddiga doorashada uu kol hore magacaabay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xalay uga dhawaaqay magaalada Kismaayo xildhibaannada cusub ee Jubbaland oo ka kooban 73 mudane, waxaana muuqaneya in uu hadda jiro labo garab [Baarlaamaan] oo isku soo horjeeda.

Hoose ka akhriso Liiska xildhibaannada cusub ee goor dhaw lagu dhawaaqay :

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/13/2019 3:27 PM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL)-Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

8/13/2019 10:48 AM EST
Talaado, August, 13, 2019 (HOL – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan C/laahi Cirro ayaa hadlay kulan ku dhexmaray Sucuudiga weftigii uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland iyo wefti ka socda Soomaaliya oo wasiiro ka kooban, waxaanu madaxweyne Biixi ku eedeeyey inuu isagu samaynayo wixii uu dadka ku caayi jirey.

8/13/2019 6:32 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo goor dhaw waxaa lagu soo gabagabeeyay dhaarinta xildhibaannada cusub oo ay xalay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

8/13/2019 5:41 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL)-Maleeshiyada Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn ku qaaday garoonka Abha ee koonfurta galbeed ee Sacuudiga, ee ku dhow xuduudda Yemen, waxaa sidaas maanta sheegay taleefishinka Al-Masirah ee Xuutiyiinta.

8/13/2019 2:13 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) – Magaalada Mina ee dalka Boqortooyada Saudi Arabia kulan is arag ah oo aan horey loo sii qorsheyn ku yeeshay Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo halkaa u wada joogay gudashada Acmaasha Xajka.

8/13/2019 1:54 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) – Magaalada Baydhabo ee xarunta Ku-meel-gaarka u ah magaalada Baydhabo waxaa maalintii shalay gaaray wafdi uu horkacayo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xassan oo lagu wado in uu maanta ka furo halkaa shir wadatashi ah oo u dhaxeeyaWasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada.

8/13/2019 1:40 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) –Musharixiinta xilka madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa qaadacay islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamay liiska xildhibaannada cusub Jubbaland oo xalay ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.