10/23/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2019
Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Biixi oo isku arkay dalka Saudi Arabia


 

Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) – Magaalada Mina ee dalka Boqortooyada Saudi Arabia kulan is arag ah oo aan horey loo sii qorsheyn ku yeeshay Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo halkaa u wada joogay gudashada Acmaasha Xajka.

Dhinaca madaxweynaha Somaliland waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin iyo Xubno kale, halka dhinaca kale Wasiirradda xukuumadda Soomaaliya ee kulanka ka soo muuqday ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan, Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud.

Baraha bulshada ayaa la soo dhigay sawir ay wada jir u galleen labada dhinac  

Wasiiru-dowlaha xafiiska ra’iisal wasaaraha Cabdullahi Xaamud ayaa sheegay in ay faraxad weyn u aheyd dhankooda in ay arkaan madaxweynaha Somaliland oo ku tilmaamay in uu yahay qof waayo arag ah oo garanaya ayuu yiri qiimaha aynu isku leenahay kaddib qoraal kooban oo uu soo dhigay bartihiisa Facebook –ga

Kulankan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirrada ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay isku arkaan labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 










Click here
8/13/2019 3:27 PM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL)-Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

8/13/2019 10:48 AM EST
Talaado, August, 13, 2019 (HOL – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan C/laahi Cirro ayaa hadlay kulan ku dhexmaray Sucuudiga weftigii uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland iyo wefti ka socda Soomaaliya oo wasiiro ka kooban, waxaanu madaxweyne Biixi ku eedeeyey inuu isagu samaynayo wixii uu dadka ku caayi jirey.

8/13/2019 6:32 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo goor dhaw waxaa lagu soo gabagabeeyay dhaarinta xildhibaannada cusub oo ay xalay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

8/13/2019 5:41 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL)-Maleeshiyada Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn ku qaaday garoonka Abha ee koonfurta galbeed ee Sacuudiga, ee ku dhow xuduudda Yemen, waxaa sidaas maanta sheegay taleefishinka Al-Masirah ee Xuutiyiinta.

8/13/2019 3:09 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) –Guddi doorasho oo ay magacaabeen musharixiinta xilka madaxweynaha Jubbaland ee isbadal doonka ayaa soo saaray liiska xildhibaanno ay ku sheegeen in ay soo xuleen odayaasha dhaqanka.

8/13/2019 1:54 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) – Magaalada Baydhabo ee xarunta Ku-meel-gaarka u ah magaalada Baydhabo waxaa maalintii shalay gaaray wafdi uu horkacayo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xassan oo lagu wado in uu maanta ka furo halkaa shir wadatashi ah oo u dhaxeeyaWasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada.

8/13/2019 1:40 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) –Musharixiinta xilka madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa qaadacay islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamay liiska xildhibaannada cusub Jubbaland oo xalay ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.