4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2019
Shir Isgaarsiinta ku saabsan oo maanta Baydhabo ka furmaya

 

Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) – Magaalada Baydhabo ee xarunta Ku-meel-gaarka u ah magaalada Baydhabo waxaa maalintii shalay gaaray wafdi uu horkacayo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xassan oo lagu wado in uu maanta ka furo halkaa shir wadatashi ah oo u dhaxeeyaWasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkaas uu yahay mid looga tashanayo Arrimaha Isgaarsiinta iyo sidii loo dabooli lahaa baahida dhinaca Isgaarsiinta ah oo ay qabaan Bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana ay nasiib u yeelatay in lagu qabto magaalada Baydhabo.

Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Sheekh Cadde ayaa sheegay in uu rajeynayo in shirka ka furmaya magalada Baydhabo uu noqdo mid ay kasoo baxaan waxyaabo dan u ah Shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan la qorsheynaayo in maanta uu ka furmo magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu daba socdaa shir sanadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho oo looga hadlayey arimaha isgaarsiinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]