9/17/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2019
Musharixiinta Jubbaland oo ku gacanseyray liiska xildhibaannada cusub ee lagu dhawaaqay


 

Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) –Musharixiinta xilka madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa qaadacay islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamay liiska xildhibaannada cusub Jubbaland oo xalay ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah musharixiinta Jubbaland ayaa sheegay in iyaga mowqifkooda uu yahay mid cad ,isla markaana gebi ahaanba aysan aqoonsaneyn Shaqa kasta oo ay qabtaan Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Isaga oo wareysi siinayay Laanta VOA ayuu sheegay in soo xulista xildhibaannada cusub ee Jubbaland ay shaqadooda aheyd Odayaasha Dhaqanka Beelaha, balse qaabka hadda loo soo xulay uu yahay mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn Dastuurka Jubbaand.

 

Musharax Sheekh Shakuul ayaa intaa ku daray in qaar badan oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Jubbaland laga saaray liiska Odayaasha loogu talo galay inay soo xulaan Xildhibaannada Cusub ee Jubbaland,isaga oo dhaliil u jeediyay Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal sida ay aragto liiska xildhibaannada Jubbaland ee lagu dhawaaqay inkastoo Wasaarradda Arrimaha gudaha horay u sheegtay mowqifkeeda ku aadna doorashada guud ahaan Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 










Click here
8/13/2019 3:27 PM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL)-Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

8/13/2019 10:48 AM EST
Talaado, August, 13, 2019 (HOL – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan C/laahi Cirro ayaa hadlay kulan ku dhexmaray Sucuudiga weftigii uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland iyo wefti ka socda Soomaaliya oo wasiiro ka kooban, waxaanu madaxweyne Biixi ku eedeeyey inuu isagu samaynayo wixii uu dadka ku caayi jirey.

8/13/2019 6:32 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo goor dhaw waxaa lagu soo gabagabeeyay dhaarinta xildhibaannada cusub oo ay xalay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

8/13/2019 5:41 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL)-Maleeshiyada Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn ku qaaday garoonka Abha ee koonfurta galbeed ee Sacuudiga, ee ku dhow xuduudda Yemen, waxaa sidaas maanta sheegay taleefishinka Al-Masirah ee Xuutiyiinta.

8/13/2019 3:09 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) –Guddi doorasho oo ay magacaabeen musharixiinta xilka madaxweynaha Jubbaland ee isbadal doonka ayaa soo saaray liiska xildhibaanno ay ku sheegeen in ay soo xuleen odayaasha dhaqanka.

8/13/2019 2:13 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) – Magaalada Mina ee dalka Boqortooyada Saudi Arabia kulan is arag ah oo aan horey loo sii qorsheyn ku yeeshay Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo halkaa u wada joogay gudashada Acmaasha Xajka.

8/13/2019 1:54 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) – Magaalada Baydhabo ee xarunta Ku-meel-gaarka u ah magaalada Baydhabo waxaa maalintii shalay gaaray wafdi uu horkacayo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xassan oo lagu wado in uu maanta ka furo halkaa shir wadatashi ah oo u dhaxeeyaWasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada.